Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho oo kulan la qaatay waxgaradka Qardho(Masawiro)‏

November 27, 2013 - Written by Editor

EAU_Qardho (20)Qardho:-Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Nabadoonada,Waxgaradka, Culama’udiinka ku nool magaalada Qardho, waxa uuna kala hadalay sidii loo taageeri lahaa Jaamacadda oo sanadkii afaraad gashay lana filayo in sanadkaan ay ka qalin jabiyaan dufcaddii ugu horeysay Jaamacadda.

Kulan ayaa sidookale lagu soo bandhigay sidii loo hormarinlahaa jamacadda,waxa ayna nabadoonada sheegeen in la joogo xiligii kor loo qaadi lahaa jaamacadda. Maamulaha Jaamacadda bariga Afrika faraceeda Qardho Sh.Cali Maxamed Cali ayaa kulanka ku soo bandhigay sida ay u shaqeyso Jaamacdda,adeegyada ay heystaan,waxa kamaqan iyo baahiyaha ay qabaan oo ay ka mid tahay in Jaamacadda laga taageero dhan walbo sida Dhaqaalaha,in Maktabada la keeno Buugaag ku filan, iyo adeegyada ay u baahantahay Jaamacadda.

Maamulaha ayaa sidookale soo bandhigay in Macalimiinta Jaamacadda wax ka dhigo ay yihiin kuwo qibrad u leh maadooyinka ay bixiyaan,waxaana jamacadda ka koobantahay kuliyadaha Shareecadda,Kuliyadda Maamulka iyo Maareynta,Kulyadda Computer sayniska iyo koorsooyin ay ka midyihiin caafimaadka iyo luuqada Ingriiska.

Kulankaan ayaa sidoo kale u jeeda loo qabty ay aheyd in ay xiriir wanaagsan yeeshaan gudiga Jaamacadda iyo Nabadoonada maadaama jaamacadda ay afarsano jirsatay loona baahanyahay in dhan walbo laga taageero.

Shiikh C/qaadir Yaasiin Aw Maxamed oo ka mid ah Boardka Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la taageero Jaamacadda,xitaa ardayda in waalidka ay keenaan Jaamacadda waxa uuna ku booriyey in ardayda dhameysata Dugsiyada sare in ay ku soo biiraan Jaamaacadda. Kulankaan ayaa ka duwanaa kulamadii ay horey Jaaamacadda u qabtay waxaana kan diiradda lagu saaray sidii dhaqaale maaliyeed iyo mid maadi ah ay u heli laheyd Jaamacdda Bariga Afriga Faraceeda Qardho.

no images were found

Cabdiraxman Black
Qardho-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online