Madaxwaynaha Puntland oo ka hadlay fatahaada wabiga Shabelle iyo duufaantii 03A
November 28, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa waxaa uu ka hadlay khasaarihii ay geysteen duufaantii ka dhacday Puntland isaga oo u mahad celiyey dhamaan gudiga Gurmadka ee deegaanada Puntland.
Madaxweynaha ayaa wareysi gaar ah uu siiyey Idaacada Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaana uu sheegay in khasaaraha ugu badan duuufaanada ka dhacay Puntland ay u geysteen Eyl, Bayla iyo Dangorayo.
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay in shacabka ku xoolo beelay duufaanada loo xoolo gooyo wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyey wadamada Gurmadka la soo gaaray Puntland sida Ethiopia. Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta Turkiga iyo hay,daha WFP iyo ICRC.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa waxaa uu ka hadlay sidoo kale khasaaraha uu geystay fatahaada webiga Shabeele isaga oo tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay.
A/Cawale
Halgan.net