Madaxweynaha DFS oo Casho Sharaf u sameeyay ergadii ka socotay Jubbooyinka

November 6, 2013 - Written by Editor

MadaxweynahaMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamud ayaa Casho Sharaf u sameeyay ergadii ka socotay JubbooyinkaCashada ka hor ayaa waxaa lasoo bandhigay heeso wadani ah iyo riwaayado muujinayo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya. Sidoo kale casho sharafta waxaa lagu casuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Mudane Teodrus Adhonom, Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha DFS Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa wuxuu yiri “ Shalay ninkii ku mashquulo berri ayaa dhaafto” sidaas darteedna kula dar darmay ergada Jubooyinka iyo Madaxda in ay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan midnimadda iyo horumarka umadda Soomaaliyeed eek u nool goboladda.

“Waxaan u rabnaa nabad iyo maamul wanaag dhamaan goboladda Soomaaliya. Muhiimadda waxa weeye Soomaaliya oo mid ah oona nabad ah”

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay “Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya caawa wuxuu marayaa meshii ugu wanaagsaneyd. Baal cusub ayaa noo bilawday   waana u mahad celinayaa Dowladda Itoobiya dadaalka ay  ku bixineyso in ay Soomaaliya nabad ka dhalatto.

“ Waxaa la yaab ah in Wasiirka arimaha Dibadda ee Itoobiya uu  Muqdisho seexanayo si nabad ahna ku dhex socdo. Dad aan Wasiir iyo wax u dhaw aheyna ay dhahaan Muqdisho ama Soomaaliya waa khatar oo lama tegi karo.” Taasna waa mid aan la yaabnay.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa bogaadin iyo hambalyo u soo jeediyay Maamulka KMG iyo ergooyinka Jubbooyinka.

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:
Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta
Villa, Somalia, Muqdisho,
media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online