Madaxweynaha DFS oo gaaray Degmada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/Dhexe
November 6, 2013 - Written by EditorJowhar:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe waxaana halkaas ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Sh/Dhexe iyo dadweyne fara badan.Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ay ku tageen magaalada Jowhar diyaarad nooc qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM waxaana socdaalka Madaxweynaha DFS ku weheliyey Wasiirka G/dhiga DFS C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi,wasiirada horumarinta adeega bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.
Madaxweynaha ayaa waxaa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in uu u kuurgalo khasaaraha ka dhashay fataahada uu wabiga Shabelle waxaana socdaalkiisa ku weheliyey khubaro ka socday dalka Turkiya. Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa isla maanta dib ugu soo laaban doona magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan ilo wareed ku dhow xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa maanta ku dagaalamay duleedka Degmada Jowhar laba beelood waxaana dagaalka uu dhaliyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac
A/Cawale
Halgan.net