Madaxweynaha DFS oo ku qaabilay Villa Soomaaliya Safiirka Dowladda Nigeria
November 30, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa kunalkaas qeyb ka ahaa R/Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawzia Yusuf Adam,Wasiir A.F.Okoh iyo Saraakil sare oo booliska Najeeriya ka tirsan waxeyna muujiyeen in ay Nijeeriya ka go’antahay taageeridda dowladda Soomaaliya. Waxaa la ogyahay in kooxaha argagaxisadda ee Al-
Shabaab iyo Boka Haram in uu xiriir ka dhaxeeyo .Dowladda Nigeria ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen ciidamdii UNISOM ee sanadkii 1991 ka howl galay Soomaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu yiri “ Soomaaliya waxey ku soo jirtay dagaal muddo dheer soo socday oo la dagey dhammaan hay’adaha dowladda oo hadda aan dib-u-dhis ku wadno. Dowladda Nigeria waxey hadda qeyb ka tahay Ciidamadda booliska AMISOM.
Safiirka Nijeeriya ayaa wuxuu Madaxweynaha u gudbiyay warqad uu ka siday Madaxweynaha Nijeeriya Mudane Jonathan Goodluck taas oo lagu casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Nijeeriya.
Malik Abdalla,Agaasimaha .
Warfaafinta Villa, Somalia,
Muqdisho,
media@presidency.gov.so