Madaxweynaha DFS oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee gobalada Jubooyinka

November 1, 2013 - Written by Editor

xasan shKismaayo:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay odayaasha dhaqanka ee gobollada jubbooyinka iyo dadweyne tiro badan  xarunta Jaamacadda kismaayo halkaas oo uu ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in uu u yimid in la sii wado heshiiskii ay wada gaareen DFS iyo Maamulka Jubba wuxuuna mahad balaaran u celiyey dhamaan dadweynihii soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Ahmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) ayaa isna khudbad kooban ka jeediyey wuxuuna ka warbixiyey heerarkii uu soo maray dhismaha Maamulka Jubba wuxuuna sheegay  in ka badan 9 bilood in ay u fadhiyeen soo dhisida Maamulka Jubba awood badana ay gasheen .

Sheekh Ahmed Madoobe Madaxweynaha Jubba ayaa waxaa uu rajo badan ka muujiyey in la xalin doono dhamaan khilaafaadka ka dhexjira dadweynaha walaalaha ah ee wada dega gobalada Jubooyinka.
Madaxweynaha DFS ayaa ugu danbeyntii soo xiray kulanka waxaana uu ugu baaqay ergooyinkii soo dhisay Maamulka Jubba in ay ka soo qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta gobalada jubooyinka kaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho si loo dhameeyo wixii khilaafaad ah .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka iyo siyaasiyiinka gobalada jubooyinka in ay taageeraan DFS wuxuuna sheegay in dowlad la,aan aysan cidna dan ugu jirin ayna ka faa,ideysanayaan kooxaha cadowga u ah Soomaaliya.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online