Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

November 1, 2013 - Written by Editor

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gabagabeeyey booqasho labo maalin ah ee uu  ku joogay magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose. Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Kismaayo ayaa kulamo la qaatay maamulka KMG ee Jubba, Odayaasha  Dhaqanka, Ganacsatada, Ururadda Bulshadda, Dhalinyaradda iyo dhammaan bulshadda qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku ammaanay dulqaadka iyo kalsooni gelinta shacabka Jubbooyinka iyo sidoo kale la tashiyadda Madaxweynahu  horay ugu tegey qaar ka mid ah goboladda  dalka Somaaliya.

Madaxweynaha  oo  boqolaal dadweynaha kula hadlay xarunta jamaacadda ee Magaaladda Kismaayo ayaa sheegay qorashaha Dowladda iyo mowqifkeedda ku adaan gobolada Jubbooyinka Isla-markaana shacabka Goboladda Jubbooyika ammaan u jeediyey.

Kulan Madaxweynaha  Soomaaliya uu la qaatay Maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa la isku afgartay in ay kasoo qeyb galaan shir Muqdisho ka furmi doono maalinta berri.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ay la socdaan Wasiirka Arrimha Gudaha, Xildhibaano iyo Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba ayaa kormeer ku tegay dekadda magaaladda Kismaayo.

Wixii Faah Faahin ah kala xiriir:
Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Somalia, Muqdishu
mabdalla@presidency.gov.so
Mogadishu, Somali

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online