Madaxweynaha Jubba oo ku baaqay in Gurmad loo fidiyo shacabka ay duufaanada ku dhufteen
November 14, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) ayaa tacsi iyo Baaq u diray shacabka ay duufaanada ku dhufteen waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay hiil iyo hooba la garab istaageen deegaanada ka tirsan Puntland oo ay dabeylaha iyo roobabaka ku dhufteen.
Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba ayaa ugu baaqay ganacsatada gobalada J/land in ay walaalahood reer Puntland la gaaraan gurmad degdeg ah waxaana saaka magaalada Kismaayo ka bilaawday abaabul iyo gurmad ay uruurinayaan culumada ,waxgaradka ,iyo Gancsatada Magaalada Kismaayo.
Cabdi Yare
Kismaayo