Madaxweynaha Puntland oo booqday degaanka Sunijiif oo 60 KM u jirta Garoowe

November 12, 2013 - Written by Editor

10Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland ayaa maanta waxaa ay booqasho ku gaareen Buunadda Sunijiif oo qiyaastii u jirta 60 KM magaalada Garoowe. Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole ayaa beesha caalamka ugu baaqay in gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka reer guuraaga ah ee dhibaatadu ka soo gaartay roobabka wata dabaylaha oo burburyey deegaanadooda.

Dhinac kale Madaxweynaha Puntlland C/raxmaan Faroole ayaa ugu baaqay ganacsayada reer Puntland in wixii gargaar ah oo ay ugu deeqayaan dadka dhibku gaaray in ay geeyaan gurmadkooda garoomada diyaaradaha ee Boosaaso ,Garoowe iyo Gaalkacyo.

Isku socodka Gobollada Puntlland ayaa waxaa hakiyey ciidanka Badda ee Puntlland iyo ciidanka daraawiishta maadaam wadooyin badan ay gooyeen roobab wata duufaano iyo dabaylo, Ciidanka badda Puntlland ayaa la arkeyey iyag oo bilaabay in ay gargaar gaarsiiyaan Dogorayo , Eyl, Bayla.

Dowladda Puntlland , Issimada , Waxgadarka , Culimada iyo dadweynaha ku dhaqan degaamada Puntlland ayaa bilaabay gurmad ay u fidinayaa dadbka ku waxyeeloobay roobabka iyo duufaanada ka dhacay xeebaha beri iyo Waqooyi ee Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online