Madaxweynaha Puntland oo booqdayTuulada Caano-Yaskax

November 9, 2013 - Written by Editor

1Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole  iyo wafdi la socday ayaa maanta gaaray Tuulada  Caano-Yaskax oo qiyaastii u jirta magaalada Garoowe ilaa 90KM.  Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosh, Suldaan Siciid Maxamed Garaase , Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi iyo Taliyaha ciidanka difaac Puntland Gen.Siciid Dheere.

Dadweynaha ku dhaqan Tuulada Caano-Yaskax iyo odayaasha dhaqan  ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyey wafdiga Madax wey naha Puntland oo markii ugu horeysaysa safar ku tegay Tuulada  Caano-Yaskax. Madaxweynaha Puntlland oo hadal kooban u jeediyey dadweynaha Tuulada Caano-Yaskax ayaa waxaa uu ku booriyey  in ay la dagaalamaan kuwa doonaya in ay xaalufiyaan degaanka isagoo sidoo kale u sheegay in nabad guud laga shaqeeyo dowladduna ay gacan ku siin doonto.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay la qaateen odayaasha iyo waxgaradka Tuulada Caano-Yaskax waxaa ay kormeer ku tageen beero ku yaal Tuulada Caano-Yaskax isagoo amaan u soo jeediyey beeraleyda sidda xil kasnimada ah ee ay degaanka bilicdiisa iyo horumarkiisa uga shaqeeyeen isagoona ugu baaqay in ay isku tashtaan.

Dhinac kale Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Issimada waaweyn ee Puntland oo la hadlay dadweynihii ku dhaqnaa Tuulada Caano-Yaskax ayaa u sheegay in ay muhiim tahay in dowladda lala shaqeeyo lana dhowro bilicda deegaanka iyo horumarkiisa.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase  ayaa gabegabadii ugu duceeeyey bulshada ku dhaqan Puntland guud ahaan gaar ahaan kuwa ku nool Tuulada Caano-Yaskax nabad iyo barwaaqo waarta.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online