Madaxweynaha Puntland oo furay mashruuc ka hortaga Tacadiyada Dumarka iyo Caruurta

November 24, 2013 - Written by Editor

Madaxweyne_FarooleGarowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta furay mashruuc khuseeya xuquuqda Dumarka iyo Caruurta waxaana mashruuca helgaliyey Midowga Yurub iyo Hay’ada socdaalka iyo muhaajiriinta dunnida ee IOM

Furitaanka Mashruuca ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole waxaana uu u mahad celiyey Midowga Yurub gaar ahaan safiirada UK, USA, Itlay. France iyo Austorlia.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in deegaanada Puntland ay ku jiraan meelaha ugu degan ee xasiloon oo aan waxdhibaato ah loogu geysan dumarka iyo Caruurta waxaana uu sheegay in Mashruuca lagu hergalin doono  3 milyan oo dollar oo ay bixinayaan midowga Yurub
Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub sida ay mar walba u garab taagan yihiin dowlada Puntland waxaana uu sheegay in Mashaariic kala duwan ay ka fuliyeen deegaanada Puntland.

Deegaanada Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ay ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen tahriibayaal iyo rag ka ganacsada Caruurta waxaana lagu xukumay xabsiyo kala duwan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay ka xunyihiin tacadiga loo geysto dumar gaar ahaan kufsiga iyada oo dumar lagu kufsaday deegaano ka tirsan Soomaaliya iyo xeryaha qoxootiga dhadhaab ee dalka Kenya .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online