Madaxweynaha Puntland oo gaaray deegaanka Qarxis iyo Dangorayo ee gobolka Nugaal.

November 16, 2013 - Written by Editor

drfarooleGaroowe:-Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha dowladda Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta gaaray deegaanka Qarxis iyo Dangorayo oo ka tirsan gobolka Nugaal kana mid ah deegaanada ay dhibaatada xooggan ka soo gaartay dabeylaha iyo duufaanada roobabka watay ee ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland.

Madaxweynaha Puntland  Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey wasiiro ka tirsan golaha xukuumadiisa waxaana ay kormeer ku tageen deegaano dhowr ah iyaga oo ay la socdeen gawaari siday gurmad kala duwan.

Ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Badda Puntland ayaa si weyn uga qeybqaatay gurmadka waxaana ay la socdeen madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland.Tuulada Qarxis iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan ayaa waxaa ka muuq day burbur iyo khaasro badan oo gaaray xoolaha nool waxaana daadsanaa wadooyinka xoolo badan oo meyd ah waxaana halkaas ku ceyrtoobay  in ka badan 500 oo qoys.

Madaxweynaha Puntland  Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxaa kale oo ay saaka uu tagay Dangorayo iyada oo la filayo ilaa caawa in uu gaaro deegaanka Eyl oo ay ka jirto dhibaatao baaxad leh. Dowlada Puntland iyo dhamaad shacabka Puntland oo ay horkacayaan Culumada  ayaa waxay wadaan gurmad aan loo kala harin waxaana gurmadka qeybweyn ka ah jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada dalka ku dhaqan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online