Madaxweynaha Puntlland oo ka hadlay khasaarihii ka dhashay Roobab dabaylo wata oo ka da’ay Puntland

November 11, 2013 - Written by Editor

drfarooleGaroowe:-Roobbab dabaylo iyo duufaano wata ay ka da’ayaan degaanada  Puntland ee ku teedsan xeebaha badweynta Hindiya ee Puntland waxaan ilaa hadda wararku  ay sheegayaan in ilaa 100 qof  ay ku dhin teen. Roobabkaan wata dabaylaha ayaa  waxaa ay bilaawdeen maalintii Sabtiga ahayd waxaan degaanada dhibku ka dhacay ugu badan degaanada dhinac Bariga walow la sheegay in robbabku ay gaareen dhinac Waqooyi.

Deegaanada dhibaatada ugu badan ay ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah Dangaro , Eyl iyo Bayla walow ay jiraan degaano kale oo khasaaro dhimasho iyo hantiyeed ay gaartay balse ay adag tahay in la hello xog dhamaystiran maadaam is gaarsiintu ay go,an tahay.

Madaxweynaha Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole oo saaka la hadlay saxaafada ka dib kulan uu la yeeshay ilaa 30 hay’addood isagoo sheegay in ay dhiseen gudi loogu magacdaray Badbaado uuna madax u yahay Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamga ah,Wasiirka caafimaadka Dr Cali Warsame, Wasiirka Arrimaha gudah  Gen. C/llaahi Ilka Jir iyo Hay’ adda maareynta masiibooyinka Puntland ee HADMA.

Madaxweynaha Puntlland Dr C/raxmaan Faroole ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo shacabka Puntland in ay dowladda ku taageeraan wax u qabadka dadka dhibaatada ku dhacday oo u badan dad reer guuraa ah oo ku hanti beelay roobabka iyo dabayalha ku dhuftay degaanadooda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online