Madaxweyne DFS oo ka qeyb galay Munaasabad loo qabtay ardayda Jaamacada SIMAD.[Masawiro]

November 28, 2013 - Written by Editor

IMG_8699Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munasabad Qalin jebin ah. Halkaasna ka jeediyay qudbad dhiiri gelisay shacabka ku sugnaa goobtaas.Qudabadiisa ayuu Madaxweynaha wuxuu ku yiri” Anigu maanta aad ayaan ugu faraxsanahay  horumarka dhanka wax barashadda. Dowladdana wey naga go’antahay in aan taagerno waxbarashadda Soomaaliya, iyo tacliinta sare.”

Madaxweynaha oo qudabdiisa  kula hadlayay ku dhawaad 1000 arday oo ka qalin jebinaysay jaamacadda SIMAD waxa uu yiri” Walaalayaal, dalalka hormaray waxey ku hor-mareen wax barashadda oo ay hor mariyeen. Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabineyso jaamacadaha dalka waxey tusaale u tahay jiil cusub oo Soomali ah waxeyna kaalin mug leh ka qaadan doonan wax qabadka arimaha bulshada iyo kan ganacsiga gaarka  ah.” “ Dalka iyo dadkaba waxey u baahan yihiin jiilkiina oo kale. Jiil fahamsan aduunka cusub oo ku dhisan xog iyo technolojiyadda. Shacabka Soomaaliyeed wey ku soo daaleen dagaal. Umada soomaaliya waxey  idinka sugeysaa in eey ku nacfiyan aqoontiina”

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan sh. Maxamuud  waxoo u tahniyadeeyay ardaydii qalin jabineysay iyo ehelkooda.

no images were found

 Wixii Faah-Faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda

Malik Abdalla mabdalla@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online