Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka furay cisbitaalka TB- degmada Taleex
November 21, 2013 - Written by EditorTaleex:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire ayaa maanta furay isbitaalka TB- ee degmada Taleex kaas oo in mudo ah la dhowrayey in la furo waxaana xaflada furitaanka ka soo qeyb galay masuuliin ka tirsan Puntland iyo dhaqaatiir.
Dhismaha Isbitaalka ayaa waxaa si wada jir ah u wada hergaliyey wasaarada caafimaadka Puntland iyo Hay’adda Dial Africa .Munaasabadii lagu furay Isbitaalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire ,wasiiru dowlaha wasaarada Caafimaadka Puntland Dr. Maxamed Xirsi Ducaale,agaasimaha Hay’adda Dial Africa uqaabilsan Soomaaliya Cali Xirsi iyo isku duwaha dowladdaha hoose ee gobolka Sool Maxamed Yaasiin Cali Shire .
Waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha degmada Taleex Maxamuud Cali Warsame wuxuuna ka warbixiyey xaaladihii uu soo maray Isbitaalka TB ee Degmada Taleex waxaana uu u mahad celiyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamed Cali Shire.
Ugu Danbeyntii ayaa waxaa hadal kooban Munaasabada ka jeediyey Dr.Claahi Aadan Food isaga oo aad ugu dheeraaday dhibaatada cudurka TB waxaana uu ugu baaqay dadweynaha in aysan qarsan cudurka TB oo ka mid ah cudurada sida sahlan loo daweyn karo.
Madaxweynaha ku xigeenka Puntland C/samed Cali Shire ayaa in mudo ah ku sugan Degmada Taleex isaga oo sheegay in ay u joogaan Taleex in ay ka fuliyaan mashaariic kala duwan .
M_M Deeq
Halgan.net