Madaxweyne Xasan “Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaanta Cyclone

November 11, 2013 - Written by Editor

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta wuxuu si khaas ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaddiintii ku geeriyooday duufaanihii ka dhacay Somalia, gaar ahaan xeebaha Puntland. Madaxweynahu waxuu u diray baaq deg-deg ah beesha caalamka oo uu yiri “Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaaanta Cyclone oo boqolaal ay ku geeriyooday, kumanaan qofna uu hoy la’aan dhigay, isla markaana xoolihii saameeyey. Waa maalin mugdi ah oo dhammaan Soomaalida meel walba ay joogaan waa inay gar-gaar deg deg ah la soo gaaraan wallaalahooda.”

 

“Waxaan EEBBE uga baryayaa dhammaan intii ku geeriyootay inuu janadii ka waraabiyo, eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeena uu samar iyo Iimaan ka siiyo.” ayuu yiri Madaxweynaha. “  Duufaanta xoogga leh ee wadato roobab waxey khasaare weyn u geysatay degaanada xeebaha Puntland, Somalia oo xoolo, duunyo iyo khasaare nafeedba ay geysatay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Waana inaan u wada gurmanaa oo aan waxba la harin”

– DHAMAAN –
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
media@presidency.gov.so ama yarisow@presidency.gov

Leave a comment

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online