Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda waxaa ka go’an in la cirib tiro Al-Shabaab.”
November 19, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u direy dhammaan dadkii waxyeelada ka soo gaartey qaraxii maanta ka dhacay saldhiga Booliiska ee Beledweyne.Ciidamada Dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa baaritaan wada oo ku aadan sida falka u dhacay iyo khasaaraha inta uu la egyahay iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa sababta keentay falkan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta waxyeeladu ka soo gaareen qaraxii maanta. Waxaa dhammaan shacabka ugu baaqayaa inaysan ka niyad jabin oo aysan rumeysan argagaxa ay wadaan kooxahan nabad-diidka ah. Al-Shabaab bacdamaa looga adkaaday dagaalka ayaa waxey ka badin la’yihiin inay shacabka laayaan oo ay geliyaan argagax iyo cabsi joogta ah. Dowladda waxaa ka go’an inay dalka ka cirib-tirto kooxahan shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.”