Magaalada Qardho oo ay soo gaareen wafdigii Boorka Jaamacada Bariga Afrika (Masawiro)

November 9, 2013 - Written by Editor

DSC06175Qardho:-Waxaa Soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar Xubno sare oo ka tirsan Golaha Boorka Jaamacada Bariga Africa, oo uu hogaaminayo Mudane Aadan Sh Doon Cali iyo Sh Cabdi waaxid Xaashi.

Wafdigan ayaa waxaa uu ka koobnaa  Aadan Sh Doon Cali  Gudoomiyaha Golaha Boorka, Sh C/waaxid Xaashi Gudoomihii hore ee Boorka JBA, Sh Yuusuf C/casiis Gudoomiyaha Golaha Aasaasayaasha JBA,Sh Badar Xabiib Xoghayaha Boorka JBA,Ustad  Maxed Maxud Ciise Xubin ka tirsan Boorka JBA.

Wafdiga ayaa habeenimadii Jimcaha waxay la qaateen kulan balaaran ardayda wax ka barata Faraca JBA ee magaalada Qardho, Kulankaas oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay dhamaan xubnihii wafdiga, halkaasoo ay madaxda Jaamacadu ay  u riyaaqeen soo dhawaynta diiran iyo talooyinka ardayda wax ka barata faraca.

Aadan Sh Doon ayaa ka hadlay taariikhdii waxbarashada magaalada Qardho, asagoo sheegay in loo baahanyahay in laga wada qaybqaato, bulsho iyo maamul iyo madaxba sidii loo horumarinlahaa Faraca Jaamacada ee magaalada Qardho.

Sh C/waaxid Xaashi oo ah Gudoomiyaha hay’ada Khayriga ah ee Al-Manhal, ayaa ardayda u sheegay in ha’adu ay u raadindoonto dhisme Faraca Jaamacada, iyo wixii kale ee ay awoodo.

Sidoo kale waxaa halkaa kalimad ka jeediyay Sheekh Yusuf C/casiis, oo ka waramay sidii lagu aasaasay Jaamacada Bariga Afrika, iyo marxaladihii kal duwanaa ee ay soo martay, wuxuuna sheekhu ku nuuxnuuxsaday in loo baahanyahay in  uu ka muuqdo JBA ee Qardho kaalinka maqan ee Jaaliyada reer Qardho ee dibadaha.

no images were found

Subixii Jimcaha ayaa waxaa la geeyay wafdiga Baadiyaha Magaalada Qardho halkaasoo ay ku lahaayeen qado sharaf , waxaana soo abaabulay Gudiga Horumarinta Faraca JBA ee magaalada Qardho iyo Maamulka faraca.
Galabnimadii jimcaha ayaa waxay wafdigu kulan kula yeesheen hoolka shirarka Hotel Hufurre ee magaalada, Nabadoonada iyo Aqoonyahanka iyo ganacsatada Dagaanka, kulankaas oo lagu lafaguray kaalinka bulshadu ay ka qaadankarto horumarinta JBA ee magaalada Qardho, halkaas oo ay odayaasha iyo nabadoonada iyo ganacsataduba ay ka hadleen muhimada Jaamacadu ay u leedahay dagaanka, iyo inay lagama maarmaan tahay in qola walba ay ka soo baxdo kaalinkeeda, Boorku uu kazoo boxo kaalinkiisa, Bulshaduna ay buuxiso kaalinkeeda.

Qardho
JBA
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online