Masjidka Al-Hudaa ee Garoowe oo maanta looga gurmaday dadkii duufaantu ku dhufatay
November 15, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta salaadii Jimce ka dib laga bilaabay Masjidka weyn ee Al-hudaa ee magaalada Garoowe barmaamij lacag iyo Agab kale loogu aruurinayo dadkii ku waxyeeloobay roobabkii watay dabaylaha ee dhawaan ku dhuftay Gobollada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Gardafuu. Dadweynihii soo xaadir salaada Jimce ayaa waxaa ay si wanaagsan uga qayb qaateen bixinta tabarucaadka si ay walaalahood dhibtu ku dhacday ay ula qaybsadaan dhibka gaaray.
Sh.Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya kuna nool magaalada Garoowe ayaa dad ku booriyey in guntiga ay dhiisha iskaga dhigaan oo cid walba wax ay awoodu ay walaalahood ugu deeqdo. Sh. Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa dadweynihii ka soo qayb galay salaada Jimce waxaa uu u sheegay in dadka muslimiintu ay yihiin walaalo loona baahan yahay in markii dhib ay timaado la is kaalmaysto la iskuna gargaaro.
Dhinaca kale waxaa kale oo dadweynaha waano u jeediyey Sh.Cabdi Qani Qorane iyo Sh. Cabdirashiid Maxmed Ismail waxaan ay dadka kula dardaarmeen in ay is gacan qabtaan oo bulshada intii hartay la badbaadiyo, Sh Cabdi Qani Qorane ayaa waxaa uu dadweynaha u soo bandhigay muuqaalo laga soo qaaday meelihii ay dhibaatadu ka dhacday muuqaalka ayaa ahaa mid murugo xambaarsan dadkuna ay ka muuqtay diif iyo dhibaato.
Gabagabadii ayaa culimadu waxaa ay socdaal ugu baxeen jidka isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso si ay u soo eegaan xaalad Buunadad SuniJiif oo ay goyeen roobabkii iyo dabayluhu, culimada ayaa dhinacooda uga howlan siddii si deg deg ah loo dayactiri lahaa Buundad isku xirta Garoowe iyo Boosaaso.
M_M_Deeq
Halgan.net