Maxkamad ku taalla San Diego oo xabsi sanado ah ku xukuntay Culimadii halkaas ku xirneyd.
November 19, 2013 - Written by EditorSan Diego:-Walaalayaal sidaad la socoteenba,waxaa in muda ah socday maxkamadaynta,culimadii ku xirnayd Wadankan Maraykanka,Gaar ahaan Gobalka California Magaalada San Diego.
Culimadaas Oo ay ka mid ahaayeen Imaamkii Masjidul Al-Ansar Sh Maxamed Khadar iyo Sheikh Ciise,iyo Walaale kale oo ka mid ahaa Jaaliayada soomaaliyeed Ee reer San diego.Walaalahan oo mudo 3 Sano ah Xabsiga ku jiray,heerar kala gadisana ay soo martay dacwadooda,ayaa waxaa la soo gaba gabeeyay galabta oo taariikhdu ay tahay 11/18/13,Iyadoo uu riday Qaadigii Maxkamada Xukun oo dul dhigay Walaalaha,Wuxuuna u dhacay Xokunka sidatan hoose:-
1-Sheikh Maxamed Khadar Iimaamka Masajidka Waxaa la xukumay 13 Sano.
2-Sheikh Ciise Dhoore Waxaa la xukumay 10 Sano
3-Basal Waxaa la xukumay Mudo dhan 18 Sano.
Waxaa dhiman Walaal kale oo isagu dib loo dhigay xukunkiisa.Waxaanu leenahay إنا لله و إنا إليه راجعون
Wixii faah faahin intaa dheer waxaad kala xiriirtaa,xafiiska golaha Iimaamyada ee W/maraykanka
Phoneka Xafiiska : 612-874-0665 –
Emailka:Golimam@gmail.Com.Ama Kulmiye99@hotmail.Com