Mooshinkii laga keenay Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo dib loo dhigay

November 24, 2013 - Written by Editor

saacidMuqdisho:-Kulanka baarlamanka DFS ayaa maanta waxaa  lagu soo gudbiyey mooshinka ka dhanka ah Ra’isal wasaare Saacid  waxaana mooshinka soo gudbiyey xildhibaano gaaraya 168 waxaana  ka dhashay buuq.

Gudoomiyaha baarlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka hor akhriyey ajandaha kulanka kaas oo ah Mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan DFS  mooshinkaas oo  ka dhanka ah Raisulwasaare Saacid .

Kulanka maanta ee Golaha Baarlamaanka DFS waxaa soo xaadiray ilaa 201 Xildhibaan waxaana loo qeybiyey mooshin ka dhan ah Raisulwasaare Saacid xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan Mooshinka laga keenay xukuumada DFS.

Ka dib markii ay xildhibaanada Akhriyeen Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Raisulwasaare Saacid ayaa waxaa ay xildhibaanada taageersan Saacid ay dalbadeen in magacyada Xildhibaanada keenay mooshinka lagu lifaaqo qoraalka loo qeybiyey Xildhibaanada DFS taas oo buuq dhalisay waxaana golaha isaga baxay taageerayaasha Raisulwasaare Saacid.

Gabagabadii kulanka Xildhibaanada DFS ayaa waxaa soo xiray Maxamed Cismaan Jawaari waxaana lagu balamay in Mooshinka la gudo galo 30 bishan November 2013.waxaana la isku raacay in magacyada Xildhibaanada lagu lifaaqo Mooshinka

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online