Mu’asasada Al-Minhaaj iyo Culumada oo ka warbixiyey halka uu gurmadku marayo (Masawiro)

November 21, 2013 - Written by Editor

2Boosaaso:-Kulan balaaran oo si heer sare ah loosoo qaban qaabiyay ayaa waxaa uu ka dhacay Markaska Dacwiga ah ee Al-Rowda Bosaso Kulanka oo ay qabatay Mu’asasada Al-Minhaaj ayaa waxaa goob joog ka ahaa Culimada ugu Waawayn Puntland.Kulanka Muhiimadiisa ayaa ahayd sidii Dadwaynaha Warbixin looga siin lahaa meesha ay marayso Musiibadii ku habsatay Qaar kamida Deegaanada Puntland islamarkaana loosoo bandhigi lahaa Dadkii wax la baxay kadib markii ay Culimadu bixiyeen Deeqihii hore ee lasoo gaarsiiyay.

Ugu horayn waxaa Hadalka qaatay Sh.Axmed Daahir Xasan waxaana uu ugu horayn Bulshada kula dardaarmay inay ilaahay ka cabsadaan maadaama Cabsida Alle ay fure u tahay wax walba oo wanaagsan ayna sabab u noqonayso in Dhibaatooyinka uu qofku ka boxo.

Sh.Axmed Daahir ayaa waxaa uu ka warbixiyay Xaaladu meesha ay marayso isagoo sheegay inay wax iska badaleen Xaalada markii hore sidii ay kusoo qiyaaseen waxaa uu shiikhu Tusaale ahaan usoo qaatay Dadka Xoolo dhaqatada ahaa ee Xoolohoodu ka baabe een waxaana uu sheegay inuu wararka ku helayo in qofkii 20 Riyo ah lahaa ay haatan u hareen wax yar oo aan naf lahayn inta hartayna ay yihiin kuwo uu cudur dilooday oo naafo ah , waxaana shiikhu uu u duceeyay dadkii lacagaha la baxay waxaana uu xusay inay Dadku ay aad ula socdaan Xaalada walaalohooda ayna cadayn u tahay Gabar lacag soo dirtay oo sheegtay inay ugu deeqday Walaalkeed Axmed Xassan Ismaaciil oo 6 Caruur ah iyo hooyadood ku waayay Roobabkii iyo Dabaylihii Waqooyi Bariga ee Soomaaliya ku dhuftay.

Intaas kadib waxaa Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Ustaad Muxamed Maxamuud Ciise uu xusay Dadkii dibada lacagaha kasoo diray si ay u ogaadaan in wixii ay soo direen ay culumadii gaareen lana gaarsiin doono dadkii ay ugu deeqeen insha alaah.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu Magacaabay Tiro kamid ah Dadkii lacagaha soo diray isagoo sheegay inay jiraan Dadkale oo Lacago soo diray balse aysan wali soo qaadin.

Waxaa kamid ahaa Dadkii wax soo diray Jaaliyado Soomaaliyeed oo Qurbaha kunool iyo Shakhsiyaat waxaana Jaaliyadaha kamid ahaa :-

1.Jaaliyada Copenhagen Denmark waxayna soo direen $28,090
2.Jaaliyada Johanspeg South Africa waxayna soo direen $23,812

Sidoo kale waxaa jiray Dadwayne iyaguna si shakhsiyan ah usoo diray waxaan kamid ahaa :-

1.Daahir Axmed Cabdi
2.Mahad Faarax Shirwac
3.Xaliimo Muuse Yuusuf
4.Asli Muuse Warsame
5.Sacdiyo Axmed Abuukar

Ugu danbayntii Sh.Axmed Yuusuf Daad ayaa waxaa uu u duceeyay Dhamaan Dadkii wax la baxay waxaana uu alle uga baryay inuu ka ajar siiyo.

Mu’asasada Al-Minhaaj
Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online