Musharax Dr. Cali Xaaji Warsame oo si weyn loogu soo dhaweeyey Qardho.[Masawiro]

November 29, 2013 - Written by Editor

14Qardho:-Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karaar Dr Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynanimda Puntland. Dadweyne aad u fara badan ayaa Musharax  Dr. Cali Xaaji Warsame waxaa ay uga hortageen meel magaalada Qardho u jirta ilaa 20 KM, dadweynaha ayaa waxaa ay wateen boorar  lagu qoray erayo soo dhaweyn ah  waxaan maanta si weyn looga dareemay magaalada Qardho soo dhaweynta loo sameeyey  Musharax  Dr. Cali Xaaji Warsame.

Musharax  Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa shalay socdaal ku aadan ololihiisa doorashada waxaa uu ku tegay magaalada Badhan waxaan uu kulamo kale duwan la soo qaatay odayaasha dhaqan ,Aqoon yahanka iyo bulshada qaybaheeda kale.Odayaasha dhaqanka ee magaalada Qardho, aqoon yahanka , ardayda iyo haween fara badan ayaa waxaa ay u taagnaayeen jidadka si ay u soo dhaweeyaan Musharax  Dr. Cali Xaaji Warsame waxaan dadka soo dhaweynayey ka dhex muuqday dhalinyaro Fardoolay ah oo soo bandhiga ciyaaro qurux badan.

no images were found

Musharax  Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa ah ragga ugu horeeyey musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynanimada Puntland waxaan ilaa hadda meelaha uu tegay looga soo dhaweeyey si diiran oo aan loo kala harin. Musharax  Dr. Cali Xaaji Warsame  oo la hadlay dadweynaha ayaa waxaa uu aad uga mahad celiyey sidda wanaagsan ee loo soo dhaweeyey isagoo xusay in kulamo uu la qaadan  doono dadweynaha reer Qardho iyo hogaankooda dhaqanka una soo bandhi doono barmaamijkiisa siyaasadeed.

Musharax  Dr. Cali Xaaji Warsame  ayaa ku sugnaan doona maalmo magaalada Qardho waxaan la filayaa in socdaal uu ku gaaro magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo ay ka socoto qaban qaabo aad u weyn oo lagu soo dhaweynayo.

Source masawirad Puntland24
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online