Muxaadaro iskugu jirta talo iyo bishaarooyin oo uu ka jeediyay Masjidka Al-rowda Sh Axmed C/samed

November 23, 2013 - Written by Editor

Sheekh-axmed-Cabdisamad1-400x250Boosaaso:-Iyadoo mudooyinkii la soo dhaafay ay wadeen dhamaan Soomaalida ku nool caalamka dadaalo loogu gurmanayo dadweynihii ay saamaynta wayn ay ku yeesheen roobab iyo dabaylo iswatay oo ka dhacay Deegaano ka tirsan Woqooyi Bari Soomaaliya, dadaaladaas  oo ay qayb ka ahaayeen Culimada Soomaaliyeed oo Gurmadkaasi qayb weyn ka qaatay, ayaa Shiikh.Axmed C/Samad waxaa uu muxaadaro arrintaasi taabanaysa kasoo jeediyay Masaajidka wayn ee Al-Rowda Bosaso.

Sh.Axmed Cabdisamad waxaa uu sheegay inuu ugu Bishaaraynayo Bulshada shaqadii ay qabteen ee ku aadanayd Dhibaatadii dhacday ayna mudan yihiin in loo mahad celiyo maadama ay ka qaateen kaalin lama ilaawaan ah oo aad loogu farxay.

Dhanka kale waxaa uu sheegay Sh.Axmed in Xiligii Dhibaatooyinku ay dhacaan dadku ay ku baraarugaan ama garawsadaan waxyaabo aysan horay ugu baraarugsanayn , Tusaale cadna waxaa u ah siddii hagar la’aaneed ee Soomaalidu Dal iyo Dibadba ay uga qayb qaateen Gurmadkii loo sameeyay dadkii dhibaatadu ay kasoo gaartay Roobabkii iyo Dabaylihii Soomaaliya ku dhuftay.

Waxaa kale oo uu sheegay Sh.Axmed in ay haboon tahay in Soomaalidu ay xaliyaan Dhibaatooyinka raagay sidii ay u xaliyeen Musiibadii dhacday oo kale waxaana uu intaasi raaciyay in Wadada ugu macquulsan ee looga bixi karo ay tahay in aqoon la helo gaar ahaan Aqoonta Diinta, Islamarkaana lagu dhaqmo dadkana lagaarsiiyo.

Waxaa kale oo Sh.Axmed uu bishaaro usoo jeediyay Reer Bosaso waxaana uu sheegay in ay nasiib u heleen inay noqdaan Qolodii koowaad oo uu lasocod siiyo Barnaamijka lagu soo saarayo Culimo waawayn oo Cilmigooda laga faaido, waxaa uu sheegay in Culimada Soomaaliyeed marka laga sheekeeyo la yiraahdo oo Kutub ay qoreen majiraan , markaasna la aamuso Kutubta aynu wax kabarano dhamaantoodna ay yihiin kuwo Culimo kale ay qoreen,  waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay in loo baahanyahay Soomaalida Cilmigooda in uu gaaro Umadaha kale.

Ugu danbayntii waxaa uu ka hadlay Shiikhu Doorashooyinka soo aadan, waxaana uu carabka ku adkeeyay inaysan haboonayn in Bulshadu ay ku diriraan cidda noqonaysa Hogaanka dalka, maxaa yeelay cidda wax dooranaysa waa 66 qof oo kaliya waxaana uu sheegay in looga baahanyahay Siyaasiyiinta in haddii mid ka mida xilka uu ku guulaysto aysan waxyaabo kale samayn ee ay Bulshadooda iskaga darmaan, midka Hogaanka loo doortayna uu Bulshada ku hago Wanaaga, oo uu san shar iyo balaayo u soo kordhin.

Si kastaba ha ahaatee  gabagabadii waxaa uu shiikhu u duceeyay dhamaan cidii ka qayb qaadatay Gurmadkii loo fidayay dad waynihiin ku dhibaatoobay Musiibadii ka dhacday qaar ka mid ah Deegaanada Puntland.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online