Nikolas Kay oo soo gebagebeeyay booqasho uu ku tegay Puntland.[War-saxaafadeed]

November 22, 2013 - Written by Editor

Nicholas KayGaroowe, 22 November 2013 – Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa maanta soo gebagebeeyay seddex maalmood oo booqasho ah oo uu ku tegay Dowladda Goboleedka Puntland asaga oo ku hakaday magaalooyinka Garoowe, Galkacyo, iyo Bosaaso. Booqashadaas oo hordhac u aheed soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka oo dhacaysa Bisha Disheember iyo doorashada Madaxwayne nimo ee lagu tala galsanyahay in ay ka dhacdo halkaasi 8 Bisha Janaayo 2014.

Mudane Kay, waxa uu la kulmay Madaxwanaha Buntland oo ka mid ah Musharaxiinta Maddaxwayne nimadda,iyo Musharaxiinta kale ee Madaxwaynenimadda, Odday dhaqmeedyadda, xubnaha Bulshadda Rayidka ah, oo ay ku jiraan Haweenka.“Guud ahaan, waxaa la ii sheegay in habka doorashada uu socdo. Waxaa kale oo aan la fajacay sida ay qof-waliba ooga go’antahy helitaanka doorasho ku dhisan nabad, Xorna ah haddana huffan. Hase- yeeshee waxaa loo baahanyahay in waxa laga qabto mid ama labo arrimood oo kale si loo helo natiijo qof walba uu ku kalsoonaankarto’, ayuu yiri Nikolas Kay.

“Oday Dhaqmeedyadda, Musharaxiinta, iyo Bulshadda Rayidka ah dhamaantood waxay soo dhoweeyeen sida uu Madaxwaynaha u doonayo in uu wadda tashi guud uu u suubiyo kahor inta uusan magacaabin Guddigga Farsamo ee Xulitaanka ( waa Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Dibu-u heshiisiinta). Dadka dhamaantooda waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda uu leeyahay wada tashiga sidan oo kale ah”, ayuu Yiri Nikolas Kay.

“Dadka intiisa badan ee aan la kulmay oo uu Madaxwaynaha ka midyahay waxay igu raaceen walaaca aan qabo oo ku saabsan tira aadka u yer ee Haweenka ah ee ku jiray Baarlamaankii hadda u dambeeyay. Sidaas darted, Ergaygu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay oogu yeraan in ay hal haween ah ka soo gasho markan Gobol walba- waa shantii gobo ee asalka aheed.’

Sidoo kale, Ergaygga waxaa uu warbixin ka dhegeestay Gen.Saciid dheere oo ka mas uul noqonayo arrimaha amniga ee doorashada soo socota. Musharaxiintu waxay dhamaan tooda muujiyeen kalsoonidda ay ku qabaan Hogaaminta suuban ee (Generaalka) iyo sida ay ooga go’antahay in uu Musharax kasta waxy uga qabto arrimihiisa Amniga- si ku haboon.

Ergayga ayaa oogu baaqay dhamaan Musharaxiinta, in ay u tartamaan si ay ku dheehan tahay masuuliyad, kana qaybqaataan sidii doorasho nabadi ku dheehantahay ay u dhici laheed. Waxa kale oo uu sheegay Ergaygga sida ay ‘muhiim u tahay in ay helaan Musharaxiinta amni ku haboon- mid walba- marka uu soo galo/ ama ay soo wadda galaan magaaladda Garoowe.”

Mudane Kay, waxaa kale oo uu aad u ifiyay doorka ay leeyihiin warbaahiinta- taas oo ku aadan masuuliyadda ka dhalanaysa soo tebinta warka marka loolanka doorashada lagu jiro iyo sida loo doonayo in ay u maddax banaanaato warbaahinta. “ Musharax kasta waa in uu warbaahinta u helaa fursad si uu halkaasi ooga jeediyo loolankiisa ku aadan doorashada- war baahintana waxaa ka midnoqonaysa tan ay leedahay Dowladda. Wariyayaasha waa in ay maddax banaanaadan si ay u soo tebiyaan geedi socodka doorashadda sida ay haddaba u sootebiyaan oo kale’ ayuu yiri Nikolas Kay.

‘Qaramada Midoobay waxay si hoose ula socon doontaa habka doorashadda. Waxayna ku dedaali doontaa sidii lagu heli lahaa doorasho xaq iyo xorba ah oo ay nabadi ku dheehantahy. Halkaan ka eeg warsaxaafadeedka Nikolas Kay.

United Nations Assistance
Mission in Somalia – UNSOM

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online