Ninkii xubnaha is jaray! Shiikh Axmed Cabdisamad

November 5, 2013 - Written by Editor

Sheekh-axmed-Cabdisamad1-400x250Qofka aadanaha ah wuxuu ka kooban yahay seddex quwadood oo kala ah: awooda jirka, tan caqliga iyo mida ruuxa. Seddexda awoodood way isdhamaystiraan. Haddii mid hawlgab noqotana inta kale si buuxda ayay u saamaynaysaa.Dhinac kale jirka laftiisa ayaa ka kooban xubno isdhamaystiraya oo kii hawlgab noqda ama nusqaani ku dhacdo wuxuu saamaynayaa shaqada iyo waxqabadka xubnaha kale ee jirka.

Si qofku u noqdo mid dhamaystiran ama uu u guto xilkiisa waa inuu ilaaliyo awoodahaas aan soo sheegnay iyo qaybaha ay usii kala baxayaanba. Maxay kula tahay haddii awoodda jirku hawlgabto oo qofku sariir ku aruuro ama dhaqaaqiisa iyo waxqabad kiisu koobmo?. Waa hubaal inay dhib tahay laakiin ka waran haddii qofka laftiisu xubnihiisa hadba qayb iska jaro isaga oo ay la tahay inuu horumar samaynayo ama guulo usoo hoyinayo naftiisa?. Ka waran haddii uu dadka kale ugu faano inuu xubnihiisa qayb iska jaray?. Kasii darane ka waran haddii bulshada oo dhan ama badankeedu isugu faanto anaa kaa xubna jaris badan iyo anaa kaa sii badan?.

Akhristow maxay kula tahay nimankii xubnohooda iska jaray haddii ay isqabtaan rag xubnohoodu u dhanyihiin?. Ma kula tahay inay guul kasoo hoyinayaan?. Maxayse kula tahay nimankii ay is hayeen inay ugu bishaareeyaan inay xubnohoodii iska soo jareen, iyaguna ay kusii dhiirrigaliyaan inay wali qaybo kale iska sii gooyaan oo sidaasi ay horumar iyo dan u tahay, ninkii dhaqso u fulin waayana ay caayaan ama amaanta ka daystaan?.

Ilaahay Qur’aanka wuxuu ku sheegay: “Mu’miniintu inay walaalo uun isu yihiin”. Nabigeenuna wuxuu sheegay: “Mu’miniintu inay hal jir isku yihiin”. dabcan jirku xubno ayuu ka kooban yahay. Xubnahana midba mida kale ayay dhamaystiraysaa, tii maqnaatana booskeedii iyo kaalinteedii way maran tahay. Ninkii mu’min dila waa nin jirkii xubin ka jaray, xubintaasna kaalinteedii baneeyey!.

Haddaba maxaa keenay in rag waaweyn ay xubnohooda maalin walba jaraan ama isuguba faanaan?. Jawaabtu waa mid uun: seddexdii awoodood ayaa labo maqantahay. Waxaa hawlgab noqday ruuxii oo diintii iyo iimaankii uu ku noolaan lahaa waayey, iyo caqligii oo dareenkii iyo indheer-garadnimadii waayey. Kolkaas baa jirkii laftiisu isjarjaray maadaama wixii jirkaan hagi lahaa meesha ka bexeen. Haddaba walaal/walaaley bal dhaqankeena dib u eeg, cid fogna ha sii eegine adiga iyo inta kugu xeeran dhaqankiina iyo waxa arrintaan idin kala gudboon dib u fiiri.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online