Puntland iyo Gal-mudug oo ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Godod

November 1, 2013 - Written by Editor

baduugaayeGaroowe:-Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Puntland Cabdicasiis Baduugaaye ayaa caawa waxaa uu shir jaraa’id ku qab tay magaalada Garoowe isagoo ka waramay dagaal ka dhacay Deegaanka la yiraahdo Godod oo 30 KM u jirta Gaalkacyo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Puntland Cabdicasiis Baduugaaye ayaa waxaa uu ku eedeeyey dagaalka ka dhacay Godob in ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Gal-Mudug oo watay gadiid dagaal oo gaaraya 20 Tikniko ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Puntland Cabdicasiis Baduugaaye ayaa yiri ”Dagaal qorsheysan oo abaabulan ayaa maleeshiyaad Gal-Mudug ku soo qaadeen degaanka Godod ka dibna ciidanka Puntland baa iska caabiyey waxaan ay gacanta ku dhigeen hal gaari oo tikniko ah oo ay ku soo weerar galeen maleeshiyaadka Gal-Mudug.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Puntland Cabdicasiis Baduugaaye ayaa ku eedeeyey in maleeshiyaadka Gal-mudug ay hubeeyeen dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Guuleed isagoo hub ka dejiyey garoonka Bandiiradlay oo 60 KM u jira magaalada Galkacayo sidda buu yiri ay noo sheegeen sirdoonka Puntland.

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Cumar oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay jiraan culimo Ahlusuno ah oo tegay deegaanka Godod ka dibna ay soo weerareen ciidamo ka tirsan Puntland ayna u geysteen dhimasho iyo dhaawac.

galmudugWasiir kuxigeenka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Maxmed Cumar ayaa sheegay in deegaanka ay wax ka dhaceen uu ka fog yahay khasaaraha ka dhashayn ay dib ka faah faahin doonaa.

Deegaanka Godod ayaa dhow jeer oo hore waxaa ku dagaalamay maleeshiyaad beeleed ka soo kala jeeda Gal-mudug iyo Puntland waxaan ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Odayaasha dhaqanka ee maamulka Gal-mudug iyo Puntlland ayaa dhowr jeer oo hore qaboojiyey xiisado dagaalo ku salaysan beelo balse waxaa inta badan xiisada horiya siyaasiyiin dano gaar ah leh.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online