Puntland oo sheegtay in ay qabatay 2 Jaasuus oo u dhashay Britian iyo Faransiiska (Masawiro)

November 18, 2013 - Written by Editor

osi3Garoowe:-Wasaarada amniga Puntland ayaa maanta shaacisay in ciidana Nabadsugida Puntland PIS ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ay ku sheegeen in ay howlo basaasnimo ka wadeen deegaanada Puntland.

Wasiirka Amniga ee Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in laba nin ay ku soo galeen Puntland qaab NGO balse ay markii danbe bilaabeen howlo jaasuusnimo iyo in ay gurtaan khayraadka dhexceegaaga deegaanada Puntland

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Amniga Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ninmanka lagu qabtay iyagoo gacanta kula jira falka lagu eedeeyey waxaana ay wasaaradu soo bandhigay qalab iyo dhagxaan dabiici ah .Halkanka Eeg Warsaxaafadeedka Puntland  ay ka soo saaratay laba nin ee lagu qabtay Garoowe.

Wasaaradda amniga ee Puntland waxaa ay sheegtay in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo qeyb ka ahaa arimaha lagu eedeeyey labada nin ee maanta lagu soo bandhigay magaalada Garoowe.

no images were found

Hoos Ka Dhegeyso Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online