Puntland oo sheegtay in wax kaalmo ah oo ay balan qaaday DFS aysan soo gaari

November 26, 2013 - Written by Editor

GaashaanGaroowe:-Wasiiru dowlaha Maamul Wanaaga Dowlada Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan )ayaa galabta Shirjaraa,id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana ka warbixiyey halka uu marayo gumadka dadkii ku waxyeeloobay duufaanada roobabka watay ee ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland.

Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan )ayaa sheegay in lacag faro badan iyo gurmad ay dadweynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogeen ay u fidiyeen walaalahood ku ceyrtoobay duufaanadii ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland waxaana uu intaas raaciyey in raashin ku filan ay haatan gaareen dadweynaha duufaanadu haleeleen.

Wasiiru dowlaha Maamul Wanaaga Dowlada Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan )ayaa sheegay in ilaa haatan uusan soo gaarin wax gargaar ah oo ka socda DFS kaas o ay horey u balan qaaday waxaana saxaafada ka sheegay wasiira arimaha gudaha ee DFS aduun dham HalMilyan oo doolar.

Gaashaan ayaa yiri “Dowlada Federaalka ee Soomaliya nama soo gaarsiin lacagtii halka Malyan ee Dollar ahayd ee ay Balan qaadeen dadku sidaa ha ogaado Puntland uma baahi qabto ayuu yiri kaalmo lala soo daahay”

Wasiiru dowlaha Maamul Wanaaga Dowlada Puntland Maxamed faarax Ciise (Gaashaan )ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay wadaan Gurmadka wuxuuna carabka ku dhuftay in dadka ay duufanadu ku dhufteen haatan ay u baahan yihiin in xoolo nool la siiyo.

Dowlada Puntland ayaa codsi u dirtay dowlada Kuwait oo lacag 3milyan ah ugu deeqday dadweynaha ay duufaanadu ku dhufteen waxayna ka codsatay in si degdeg ah ay u soo gaarsiiso yaboohii ay balan qaaday.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online