Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay B/weyne oo geystay khasaaro kala duwan.

November 19, 2013 - Written by Editor

baladweyneHiiraan:-Wararka naga soo gaaray Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in qarax ismidaamin uu ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga Booliska ee magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Qaraxa ka dib ayaa rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen xarunta Saldhiga Booliska ee B/weyne waxaana dagaal uu ka socdaa gudaha saldhiga.

Qaraxa Ismiidaaminta ah  ee ka dhacay Afaafka hore ee Saldhiga Booliska ee magaalada B/weyne ayaa la sheegayaa in khasaaro uu ka soo gaaray dad rayid ah oo ka ag dhawaa Saldhiga.

Warar hordhac ah oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray askarta ka tirsan dowlada Jabuuti iyo kuwa DFS ee ku sugnaa xarunta Saldhiga Booliska ee magaalada B/weyne.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada galay goobta ay yihiin guutada ka tirsan Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay dileen saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa  isbuucii la soo dhaafay ka digay in Al-Shabaab ay weeeraro ka geysan doonto gudaha magaalada B/weyne inta ay reer B/weyne iyagu isku mashquulsan yihiin.

Magaalada B/weyne ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu badan oo ay Al-Shabaab ku laayeen waxgarad badan iyo saraakiil ka tirsan DFS waxaa sidoo kale hareeyey B/weyne Khilaaf iyo sad bursi u dhexeeya beelada dega gobalka Hiiraan.

A/Cawale
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online