Qarax maanta ka dhacay Irida hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

November 8, 2013 - Written by Editor

VOAMuqdisho:-Waxaa caawa qarax uu ka dhacay  baanka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, qarax ayaa waxaa ku dhintay ilaa 6 qof waxaan u dhaawacmay ilaa 15 kale. Warar dheeraad ah oo ka soo baxay cid fulisay qarax ayaa sheegay in ilaa 3 dhalinyaro ay fuliyeen weerarka iyagoo maalmo ka hor ay soo degeen Hotelka Maka Al-Mukarama oo ay deganaayeen xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliyo gaar ahaan Saraakiil ciidan.

Qarax ayaa waxaa lagu fuliyey baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaan dadkii ku dhaawacmat ayaa waxaa ka mid ahaa Soyan Cabdi Warsame, oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale ka mid ahaa dadka ku dhintay Dhube Aaden Cali, oo ka mid ahaa Soomaalida qurbjoogta ee ku nool dalka Ingiriis oo la dhashay  alaha u naxariistee Wasiiradii hore ee Caafimaadka  Qamar Aadan Cali

Dhinac kale Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee  DFS, C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay irida hore ee Hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayna ku dhinteen 4 qof oo kaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee  DFS, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xusay in weerarka ka hor ay ciidanka DFS ay qabteen mid ka mid ah 3 dhalinyaro ah ee lahaa abaabulka qarax ka hor inta uusan dhicin halka 2 kale ay baxsadeen.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online