Ra iisul Wasaaraha oo markii u horeysay ka hadlay Is-maandhaafka madaxada DFS

November 12, 2013 - Written by Editor

saacid1Muqdisho:-War saxaafadeed oo goor dhow ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa lagu xaqiijiyey in uu jiro khilaafka u dhexeeya Ra’iisulwasaare Saacid iyo Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud waxaana lagu wargeliyey shacabaka Soomaaliyeed in Khilaaf ka uu yahay Mid dustuuri ah .

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid

Wargalin Ra’iisul Wasaaraha ee ku Socota Ummadda Soomaaliyeed( Warsaxaafadeed)

Waxaa xusid mudan in bishaan November 2013, ay tahay sanadguuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.

Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.

Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.

Ugu dambeyn, maadaama ay horyaalaan wadanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodi ku aadanaa wadaninimada, nabadda, iyo hormarka dalka.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho – Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online