Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa xalay casho sharaf sagootin ah u sameeyey Ergooyinkii Jubooyinka.[Masawiro]

November 7, 2013 - Written by Editor

IMG_5808Muqdisho:-Ra’iiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay u sameeyey xaflad sagootin ah Ergooyinkii ka soo qayb galay shirka Jubooyinka ee ka socday magaalada Muqdisho afratii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo heshiis rasmi oo u gogol xaaraya dhamaystirka maamulka Juba dhinacyadu ay ku kala saxiixdeen xaflad sida weyn loo soo gaasimay oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xafladaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka, iyo Marti Sharaf kala duwan, waxaana heeso gubaabooyin ah meesha ka qaaday kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Ugu horayntii Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa uga mahadceliyey Ergooyinka shirka ka soo qayb galay sida ay u muujiyeen dulqaadka, ayna uga go’antahay in xal laga gaaro deegaanada Jubooyinka oo colaaduhu ragaadiyeen.

“Soomaaliya waa dal hodan ah, waxaana la dagay dagaal sokeeye iyo colaado soo noq-noqday, mar hadii dadaal dheer loo soo galay sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha Jubooyinka, taasi waxay tusaale u tahay bisaylka iyo sida ay idiinka go’antahay inaad nabad ku wada noolaataan, waaana wax lagu farxo mudanna in la soo dhaweeyo maanta in aad noqotaan kuwo laga tusaalo qaato marka laga hadlayo dib-u-heshiisinta Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid isagoona dhanka kale xusay in ay u balan qaadayaan maamulka Juba in Xukuumadiisu dadaal dheeraad ah u gali doonto soo celinta adeegyadii Bulshada ee ku bur-buray dagaaladii ka dhacay gobolka.

Ra’iisul Wasaare saacid ayaa sidoo kale aad ugu mahadceliyey Ergooyinka Jubooyinka ee heshiiska kala saxiiday sida ay u muujiyeen isu tanaasulka mudadii yarayd ee shirku socday.

” Maalintii ugu horaysay oo shirku bilaamayey waxaa idinka muuqday kalsooni xumo idinku kala dhex jirtay, waxaadna u kala fadhideen koox-koox, maantana waxaa ilaahay mahadiis ah inaad is dhex fadhisaan, heshiis wada gaarteen, diyaarna u tihiin inaad shacabkiina u wada adeegtaan, hadii aad hirgalisaan isbadalkaan siyaasadeed oo hada bilowday, waxaa xaqiiqo ah in mudo yar gudaheed uu maamulka Juba isu badali doono maamul goboleed Rasmi ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale aad ugu mahadceliye Madaxweynaha Jamhuuriyada dadaalkiisa aan kala joogsi lahayn ee uu ku xaqiijinayo in Soomaaliya ay ka dhacdo dib-u-heshiisiin taam ah.

Dhanka kale Hogaamiyaha KMG ah ee Maamulka Juba ayaa dhankiisa qiray in heshiiskaan uu dhabaha u xaari doono nabad waarta oo ay ku wada noolaadaan dadka Jubooyinka iyo hirgalinta nidaamka federalka.

“Markii aan imaanaynay Muqdisho waxaa nagu jiray shaki faro badan, waxaana markaas noo muuqday sawir ka duwan kan hada muuqda, waxaana xamar kala noqonaynaa niyad sami, waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo in heshiiskii shalay lagu kala saxiix day halkaan uu yahay dhamaystirka heshiiskii Adis-Ababa, nidaamka dadka Jubooyinkuna wax ku qaybsanayaana ma noqon doono habka Soomaalidu wax ku qaybsato ee 4.5. Waxaa dadku Jubooyinku wax ku qaybsanayaan hab deegaan iyadoo qof walba wax ku heli doono degmada iyo tuulooyinka ay ka degaan Jubooyinka, taasina waa xalka kaliya ay ku imaan karto kalsoonida shacabka wada daga goboladaas. Ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo dhanka kalana xusay in maamulkoodu uu uga fadhiyo dowladda Fedederaalka ah deeqihii ay dowaldu heshay intii lagu guda jiray khilaafka Jubooyinka.

Ugu danbayntii Madaxweynah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Jubooyinku ay wada aadi doonaan Kismaayo, Xamarna aysan ka socon doonin shirar looga hadlayo arrimaha jubooyinka wixii maanta ka danbeeya.

“Waxaa soo xirmay shirarkii mudo ka socday Muqdisho oo looga hadli jiray arrimaha Jubooyinka, waxaana dhamaan tiin wada aadi doontaan Kismaayo si loo dhamaystiro howlaha ka dhiman dib-u-heshiisinta iyo dhamaystirka maamulka Juba, horumar ay gaaraan dadka Jubooyinka waxaa furo u ah in laysu muujiyo kalsooni lagana dhabeeyo heshiisyada la gaaray, waxaana idinkula dardaarmi in farxada hada idinka muuqata aad kula noqotaan guryihiina kana shaqaysan soo celinta nabada iyo is dhexgalka bulashada si meesha looga saaro isfaham waagii ragaadiyey horumarka gobladaas” ayuu yiri Madaxweyaha Soomaaliya oo dhanka kala mahadnaq balaaran u soo jeediyey Ha’yadihii iyo dalalkii taageeray in laga miro dhaliyo dhamaystirka heshiiskii Addis_Ababa.

no images were found

—–DHAMAAD–
Diraac Salaad Fagaase

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online