Ra’iisul Wasaaraha DFS oo cambaareeyey weerarkii Beledweyne, tacsina diray.[War-saxaafadeed]

November 19, 2013 - Written by Editor

saacidMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii fuleynimo ee lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.“Waan cambaarey nayaa weerarkaasi fuleynimada ah ee lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne oo aheyd halka lagu kala garsooro dad weynaha, maalin kastana laga fuliyo howlaha adeega dadweynaha” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, wuxuuna alle uga baryaya inuu janada geeyo, samir iyo iimaana ka siiyo dadkii ay ka baxeen iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed. “Kooxaha nabadiidku waxay mar kasta dhibaatada ugu badan u geystaan shacabka, mana ka daalayaan daadinta dhiiga shacabka” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Garad Salad
Press Officer
Mogadishu

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online