Ra’iisul Wasaaraha DFS oo Isbitaalka ku booqday dhaawacyada weerarkii saldhigga Beledweyne

November 20, 2013 - Written by Editor

IMG_7289Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay kooxaha nabadiidka ay ku qaadeen saldhiga degmada Beled weyne kuwaasoo isla shalay dawladdu u dirtay diyaarado lagu soo daabulo si ay u helaan daweyn deg deg ah.

Dhaawacyadan oo ay tiradoodu gaareyso 13 una badan dad rayid ah ayuu Ra’iisul wasaaruhu ku booqday qolalkooda, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay in kooxahan nabad diidku ay marayaan marxaladdihii ugu dambeeyey ee dhamaadkooda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa booqday xarunta Wasaaradda Gaashaan dhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha sar sare ee ciidanka xooga dalka, waxaana ku wehlinayay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha DFS  Saacid ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xafiisyada wasaaradda oo ay xilligaasi ka soconayeen howlo baaxad leh oo ku aadan maamulka ciidanka. “Mudnaanta dawladda waa amniga iyo xasilinta dalka, dawladda Soomaaliyana waxaa ka go’an xoojinta tababarada ciidamada, kor u qaadidad adeega caafimaadka ee ciidanka, qalabeynta iyo mushaaraadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka.

no images were found

Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Press officer
Mob. +252-616263434
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online