R/W DFS oo maanta si rasmi ah u furay shirkii dib-u-heshiisinta Jubooyinka (Dhageyso)

November 3, 2013 - Written by Editor

IMG_5440Muqdisho:-Ra’isiul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon  “Saacid” ayaa si rasmi ah u furay maanta shirkii dib-u-heshiisiinta Jubooyinka, kaas oo ay ka soo qayb galeen Ergooyinka ka kala socday qabybaha kala duwan ee dadka ku dhaqan gobolada Jubooyinka.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Safiirada Soomaaliya u fadhiya caalamka, UNSOM,  Fanaaniinta Hobolada Waaberi, iyo kooxaha shirbka oo dadka ku maaweelinayey heeso muujinaya wadaniyad iyo dib-u-heshiisiin.

Ugu horayntii  Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool jubooyinka oo 22 sano ee la soo dhaafay ay haysteen dhibaatooyin kala duwan.

“Waxaan sharaf ii ah inaan si rasmi ah u furo shirkii Jubooyinka oo daba socda shirkii Addis-Ababa, waana shir leh muhiimad gaar ah mar hadii wax garadkii Jubooyinka ay halkaan ku dhanyihiin, waxaana rajaynayaa in shirkaan uu horseed u noqdo kalsooni dhisida maamul  KMG  ah ee Juba, kaas oo shaqaynaya mudo laba sano ah, hadii isfahamka dadka uu ku soo dhamaado intaas in kayar waxaa loo gudbayaa dhisida maamul gobleed ay yeeshaan dadka Jubooyinka, ka dowlad ahaan waxan diyaar u nahay inaan samayno dhamaan tasiilaadkii loo baahnaa oo dadka jubooyinku ku gaari lahaayeen isfam u horseeda nabad kuwada noolaansho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dowladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaamka Federaalisamka, heshiiska ay gaaraan dadka jubooyinkana uu unoqonayo gogol dhig asaaska dhisida maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Gudoomiye u ah gudiga qaban qaabada shirka ayaa sheegay in shirkaan uu gogol xaar u yahay shirweynaha ka dhici doono magaalada Kismaayo kaas oo lagu gaari doono xal kama danabys ah.

“Waxaa aad ugu faraxsanahay inuu si habsami leh looga soo wada qayb galay shirkaan, wuxuuna shirkaan daba socdaa shirkii Addis-Ababa, wxuuna qayb yahay  talaabooyinka la rabo in lagu dhameeyo mad-madowga ku dhexjira dadka Jubooyinka dega, waana muhiim in shirka uu ku bilowdo qalbi furnaan iyo in qof walba doonayo in xal la gaaro, arintaas kaliya ayaa ah mida ay ku imaan karto xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka soo noq noqday ee Jubooyinka” ayuu yiri wasiir Cabdikariin.

no images were found

Dhanka kale Hogaamiyaha KMG ah ee Juba Sheekh Axmed Ismaalam ayaa dhankiisa qiray in loo baahan yahay in gogoshaan ay noqoto mid dadka isugu yimid ay ka kacaan iyagoo midaysan, taasna ay u baahantahay geesinimo iyo daacadnimo.

“Heshiiskii Adis-Ababa wuxuu ahaa mid muhiimad gaar ah leh, waxaana uga mahadcelin dowlada Ethiopia Wasiirkeeda Arrimaha Dibada oo si hagar la’aan ah habeen iyo maalin ugu soo jeedey sidii xal loo gaari lahaa, shirkaana maantana waaa mid lagu turxaan bixinayo wixii ka dhimanaa shirkii Addis-Ababa, waxaan loo baahan yahay geesinimo dheeraad ah inaan la nimaano, si aan u aadno Kismaayo inagoo midaysan, shirkana waa inaan dib ugu celino guryaheena iyo geedka hoostiisa, hadii aanaan isu muujin tanaasulaadna ma gaarisiin  karno horumar dadkeena.

Ugu danbayntii Cabdi Shire Warsame oo ku hadlayey magaca ergooyinka Jubooyinka qaybtooda ku sugnayd muqdisho ayaa sheegay in heshiiskii Addis Ababa ay wada saxiixeen dowladda Soomaaliya iyo Hogaamiyaha Maamulka Juba Axmed Madoobe, heshiiskaasna ay garab koodu soo dhaweynayaan loona baahan yahay in loo midoobo taaba galinta Maamul dhamaystiran oo ay yeeshaan dadka Jubooyinku. “Xasuustaa xal magaaro, waa murti Soomaaliyeed oo inagu boorinaysa in aan dhanka wanaagsan wax ka eegno oo aan horay uga sii dhaqaaqno halka aan joogno” ayuu yiri Cabdi Shire.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister

Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online