Ra’iisul Wasaaraha DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya[Masawiro]

November 5, 2013 - Written by Editor

IMG_5639Muqdisho, November 5, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, waxaana labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha horumarinta xariirka dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa geeska Afrika.

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay gabagabada kulankan ayaa sheegay
in Ra’iisul Wasaaruhu uu kala hadlay Wasiirka iskaashiga labada dal, gaar ahaana arrimaha Amniga iyo siyaasada. Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in Ra’iisul Wasaare Saacid uu uga mahadceliyay dawladda Itoobiya dadaalkeeda ku aadan nabadeynta iyo xasilinta dalka, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay kaalintooda ciidan iyo taageerada la dagaalanka argagixisada.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlayay kulanka ayaa xusay in dawladda Itoobiya ay mar kasta ka go’antahay garab istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo jawi isu soo dhowaansho iyo nabad ku wada noolaansho.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa u gudbay ka qeybgalka munaasabadda gabagabada shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka, halkaasoo uu ka jeedin doono khudbad ku adan aragtida dawladdiisa ee nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

no images were found

–Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob. +252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online