Raisul wasaaraha DFS oo Casho Sharaf u sameeyey Hogaamiyaha Maamulka Jubba
November 8, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey hoygiisa Hogaamiyaha KMG ah ee Maamulaka Juba Sheikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Cashada ayaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Xubno ka socda mamula Gobolka Banaadir, iyo Qaar ka tirsan Safiirada Soomaaliya u Fadhiya caalamka.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku aamaany Hogaamiyaha Juba go’aankiisii geesinimada lahaa ee ay ku qaateen heshiiskii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhabaha u xaaraya in dadka Jubooyinku ay nabad ku wada noolaadaan.
“Runtii heshiiskii shalay waxaa uu ahaa mid taariikhda ka galay baal dahab ah, una horseedi doona in Soomaalidu arrimaheeda ku xalisato dalka gudihiisa, wuxuuna heshiiskaas dhiiri galinayaan dib-u-heshiisiin guud oo laga sameeyo dhamaan gobolada dalka, taas oo ay Xukuumaddu siinayso ahmiyad gooni ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasare Saacid
Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa ayaa dadaal dheeraad ah u galay sidii heshiis buuxa looga gaari lahaa khilaadkii ku dhex jiray dadka Jubooyinka, taas oo muujinaysa niyad samida ay u hayso dowladdu in Soomaaliya ay ka dhacdo dib-u-hishiisiin dhex marta dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo colaado iyo kala qob-qobnaan ku jiray in ka badan 22 sano.
—-DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the PM
Mogadisho-Somalia