Rasaas caawa laga maqlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari
November 8, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa caawa laga maqlay magaalada Boosaaso rasaas ay rideen ciidanka ilaalada ka ah xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka dib markii weerar lagu soo qaaday waxaana gurmad ugu tagay Ciidamo ka tirsan kuwa PIS-ta oo goobta ka agdhawaa kuwaas oo riday rasaas tiro badan.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in koox aan la aqoon oo saarnayd gaari ay rasaas huwiyeen ilaalada xabsiga Boosaaso ka dibna ay ciidanka ilaalada ka hayey ay iska caabiyeen.
Waxaa kale oo Bam gacmeed lagu tuuray xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso iyada oo ilaalada ay ku jawaabeen rasaas.Ilo wareed ku sugan magaalada Boosaaso ayaa u sheegay Halgan.net inuu maqlay rasaasta balse uusan ogayn sababta ay ciidan ku u rideen rasaasta iyo cid soo weerartay maadama waqti danbe ay hadda u tahay magaalada Boosaaso.
War hordhac ah oo na soo gaaray ayaa sheegaya in taliye ku xigeenkii xabsiga uu geeriyooday waxaana dhaawac uu soo gaaray taliyaha xabsiga Shire Siciid.Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland ayaa ku soo biiray howlgalo iyo baaritaano la xiriir cid ka danbaysa weerarka iyo rasaasta lagu furay Xabsiga magaalada Boosaaso.
Warka oo faahfaahsan ayaa maalinta beri ah idiin soo gudbin doonaa insha Allaahu ee ha moogaanina
Halgan.net
Boosaaso, Somalia