R/W Saacid oo ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda No.50

November 18, 2013 - Written by Editor

saacid1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda inta u dhaxaysa No.50 iyo magaalda Afgooye.Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in maanta sii dhintaan dad Soomaaliyeed, iyadoo cadowgii dalkuna ay wali maleegayaa hagardaaminta dalka iyo dhagarta shacabka Soomaaliyeed.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey No. 50 labadii maalmood ee u dambeeysey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah madaama dushooda lagu dagaalamay. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka, si dhaqso ahna loo furo waddada, khilaafkana wado hadal lagu xalinayo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana tacsi u diray qoysaskii dadkii ku wax-yeeloobay dagaalkaas.

Dagaalka shalay iyo maanta ka dhacay dhulka u dhexeeya No. 50 iyo Afgooye ayaa sababay khasaaro soo gaartay dhinacyadii dagaalamayey iyo dad shacab ah, wuxuuna dagaalkaan hadii uu sii socdo wiiqayaa awoodda dawladda iyo dadaalkii lagu xorayney deegaanada ay kaga suganyihiin kooxaha nabad diidka ah, kuwaas oo gacanta ku haya degmooyin ka tirsan gobolka.

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online