Saddex wasiir oo keliya oo yimid kulankii golaha wasiirada ee DFS
November 14, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Kulan ay maanta isigu yimaadeen golaha Wasiirada ee DFS ayaa waxaa kulanka soo xaadiray 3wasiir oo kaliya xili magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin inta badan wasiirada DFS taas oo cadeyn u ah in khilaafka ku dhexjira Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo Raisulwasaare Saacid uu gaaray halkii ugu sareysay.
Kulanka golaha Wasiirada ee ayaa maalin walba oo khamiis ah waxaa lagu gorfeeyaa xaalada dalka iyo waxqabadka xukuumada DFS oo uu hogaanka u hayo Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana kulankii maanata lagu meel mariyey qorshe lagu hawlgelinayo jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee mudo ka badan 20 sano burbursaneyd.
Wasiirada saaka kulanka ka maqnaa ayaa waxay kala yihiin
1-Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed
2-Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan
3-Wassiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil
4-Wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi
5-Wasiiru Dowlaaha Madaxtooyada Faarax Sheikh C/qaadir
6-Wasiirada arimaha Adeega Bulshada Drs Maryam Qaasim
7-Wasiirka G/dhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi
Wasiirada ka tirsan DFS ee aan saaka iman kulnka Golaha wasiirada ee DFS ayaa waxaa loo badinayaa in ay taageersan yihiin madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ay codsi u gudbiyeen Raisulwasaare Saacid in uu xilka iska casilo sida warar hoose oo aan la hubin lagu helayo.
A/Cawale
Halgan.net