Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo Garoowe ku bandhiga lacag deeq ah oo lagu wareejiyey.[Masawiro]

November 21, 2013 - Written by Editor

4Garoowe:-Waxaa mar kale maanta Shir jaraa’id ku qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika Faraceed Garoowe  Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Sh Cabdi Qani Qorane  iyagoo ku soo bandhiga lacag deeq ah oo ay soo gaarsiyeen Jaaliyaadka dibad gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda.

Sh.Cabdiqani Maxamed Qorane ayaa sidoo kale saxaafad waxaa uu ka sheegay in ay jiraan shaqsyaad  si gooni gooni wax ugu soo diray gudiga culimada  iyo jaaliyaad is abaabulay oo lacag soo gaarsiiyey culimada isagoo ka xusay magaalada Randers oo ku taal Danmarka iyo magaalooyin ka mid ah dalka Sacuudiga.

Gudoomiyaha Gudiga gurmadka culimada Gobolka Nugaal Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa waxaa kale oo uu shirkiisii Jaraa’id ku xusay in lacag dhan 24.917 oo dollar ay iska soo aruuriyeen shacabka ku nool magaalada Garoowe si ay u caawiyeen dadka walaalahood ah ee ku cayroobay  roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay  degaano ku tirsan Puntland.

Culimo’udiin iyo ducaad shalay soo gaaray magaalada Garoowe kana yimid dalka Ugandha ayaa saaka ku wareegiyey gudiga gurmadka culimada ee uu Madaxda uu ka yahay Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf lacag dhan 50.000  oo dollar, culimada maanta lacagta wareejiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Sh.Maxamed Cabdicasiis Ducaale iyo Sh.Maxamed C/wali C/laahi oo uu dhalay Allaha u naxariistee Shiikhii weynaa ee daaciga ka ahaa Afrika gaar ahaan dalka Uganda Shiikh Cabdiwali C/laahi oo iyagu u sheegay  saxaafada in deeqda ay ka soo aruuriyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda si ay u caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibtu gaartay.

Ugu danbayntii ayaa gudoomiyaha gurmad Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf  waxaa uu mahad balaaran u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudah dalka Soomaaliya iyo dibadiisa isagoo ku amaanay sidda wanaagsan ee ay u ajiibeen codsigii culimada Soomaaliyeed iyo gargaarkii ay u fidiyeen walaalahood.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online