Sh Mukhtaar Axmed Faarax oo ka waramay xaalada duufaanta ku dhuftay Puntland

November 13, 2013 - Written by Editor

999429_582690785129643_349451075_nGaroowe:-Xogta laga helaayo gurmadkii ku baxay meelaha roobabkii dabaylaha watay wax yeeleeyeen ayaa ah kuwa aad u kooban, waxaana keenay dhulka oo aysan ka wada shaqayn khadadka telfonada gacanta lagu qaato, markii laga reebo marmar ay meel dheer ama buur la fuulaan telfoonka oo ay halkaas ka soo hadlaan.

Mar uu xalay ka soo hadlay meesha magaceeda loo yaqaan Xoola keen Sh.Mukhtaar Axmed faarax oo watay labo gaari oo waawayn ah ayaa wuxuu noo sheegay arimahaan soo socda:-

1. In uusan weli gaarin meelihii ugu darnaa oo aadka looga dayrinaayey.

2. In uu la kulmay dhul aan ka dhib yarayn aagaga uu usocdo.

3. In degmoooyinka uu ilaa shalay dhex maraayey ay dhibaato wayn ka muuqato isagoo sheegay in ay isugu jiraan dad cayroobay gebi ahaanba iyo dad labo neef u yartay iyo kuwa toban neef u hartay iyo kuwa waxaan dhaamin ay u hartay.

4. Dadku macaluul ayey u dhamaanayaan oo xataa kuwa xoogaa ay u u hareen irmaankii waa ka dhamaadeen waxa haray waa xoolihii gurranaa, raashinna warkiisaba daa.

5. Wuxuu kale u noo sheegay Sheekh Mukhtaar Ahmed Faarax in wixii ay wadeen oo ay ugu talo galeen in ay dadka u qaybiyaan ka dhowdhowdahay sidaas darted si dhaqso ah in xoolo naloola soo gaaro weeye ayuu yiri.

6. Ugu damayntii Sheekh Mukhtaar Ahmed Faarax wuxuu yiri dhibta meeshaan ka dhacday way ka wayntahay sida qofwalba oo aan iman u malaynaayo.

Wuxuuna ku baaqaay Sh.Mukhtaar Ahmed Faarax oo ah Gudoomiyihii hore ee alminhaaj Garoowe in si degdeg ah ummadaan muslimka ah oo dhibaataysan loo soo gaaro wuxuuna sheegay annaga waxayagu dhiig joojin ayey ahayd ee baahidii oo sii laban laamaysa ayaa sideedii u taagan.

Sheekh Mukhtaar Ahmed Faarax
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online