Shirka dib-u-hehiisiinta Jubbooyinka oo dib u dhacay iyo Ahmed Madoobe oo gaaray Muqdisho(Dhageyso)

November 2, 2013 - Written by Editor

wafdi1Muqdisho:-Wararka naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu dib u dhacay mar kale shirka Shirka dib-u-hehiisiinta gobalada Jubbooyinkaiyo Gedo   oo la filayey in uu galabta ka furmo magaalada Muqdisho.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku dhow DFS ayaa Halgan.net u sheegay in uu dib u dhacay Shirka dib-u-hehiisiinta gobalada Jubbooyinkaiyo Gedo ka dib markii ay dib u dhaceen qaar ka mid ah Ergooyinka lagu casumay Shirka dib-u-hehiisiinta gobalada Jubbooyinkaiyo Gedo .

Shir dib-u-heshiisiinta ee loo qabanayo beelaha degan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa ku baaqday  dowlada federaalka Soomaaliya waxaana ka soo qeybgali doona ma’suuliyiin ka socota DFS ,maamulka KMG ah ee Jubba iyo wakiillo ka socda beesha caalamka waxaana la filayaa in maalinta birito ah uu ka furmo Muqdisho.

Dhanka kale waxaa gaaray magaalada Muqdisho wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Ahmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) waxaana ku soo dhaweeyey Garoonka Aden Cade masuuliin ka tirsan DFS.

Wasiir ku xigeenka  Wasaarada Warfaafinta,boostada iyo Isgaarsinta C/shakuur Cali Mire ayaa galabta  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay waxyaabaha keenay in uu dib u dhaco Shirka dib uheshiisiinta Jubbooyinka iyo Gedo.

Hoos Ka Dhageyso shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho C/shakuur Cali Mire Wasiir ku xigeenka  Wasaarada Warfaafinta,boostada iyo Isgaarsinta

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online