Shirka dib-u-hehiisiinta Jubbooyinka oo galabta ka furmaya magaalada Muqdisho

November 2, 2013 - Written by Editor

wafdi1Kismaayo:-Waxaa galabta  la filayaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho Shir dib-u-heshiisiinta beelaha  ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaana shirka ka soo qeybgali doona masuuliin ka socda Maamulka Jubba iyo ergooyin gaaraya ee 100 xubnood,

Shir dib-u-heshiisiinta ee loo qabanayo beelaha degan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa fidisay dowlada federaalka Soomaaliya waxaana ka soo qeybgali doona ma’suuliyiin ka socota DFS ,maamulka KMG ah ee Jubba iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay soo xiray shirkii lagu dhisay Maamulka Jubba waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay madaxada Maamulka KMG ee Jubba iyo Odayaasha Dhaqanka ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo

Waxaa saaka la filayaa in ay u baqoolaan magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka iyo dhamaan ergooyinka lagu casumay in ay ka qeybgalaan  Shir dib-u-heshiisiinta bulshada ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaana wafdiga hogaamin doona Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Ahmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe).

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online