Shirka dib u heshiisiinta ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo oo ka furmay Muqdisho.

November 3, 2013 - Written by Editor

Hotel_JazeeraMuqdisho:-Shirka dib u heshiisiinta ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa uu maanta ka furmay magaalada Muqdisho gaar ahaan  Hotelka Jazeera waxaana shirka ka soo qeyb  Ra’iisul Wasaaraha JFS  Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Hotel Jazeera ayaa waxaa ku sugan Ergooyin ka socda gobalada  Jubooyinkaiyo Gedo ,odayaasha dhaqanka,  xubno ka socda Beesha Caalamka,Madaxada Maamulka Jubba iyo wasiiro ka tirsan DFS.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee DFS ayaa shirka ka hadlay waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in ay heshiiyaan dhamaan beelaha ku dhaqan gobalada Jubooyinka iyo Gedo  wuxuuna sheegay in DFS ay arinkaas ka shaqeysay.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Madasha shirka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Ahmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) wuxuuna u mahad celiyey madaxda DFS isaga oo guul ku tilmaamay  heshiiskii Addis Ababa ay ku gaareen Maamulka Jubba iyo DFS.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyey waxaan la joojiyey dhamaan socodka gawaarida wadooyinka ku dhow Hotel Jazeera ee uu ka socdo shirka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online