Shirka dib u heshiisiinta gobollada Jubooyinka oo la filayo in maanta la soo Afmeero

November 5, 2013 - Written by Editor

Hotel_JazeeraMuqdisho:-Shirka dibu heshiinta gobollada Jubbooyinka ayaa maalintii 3aad ka socda magaalada Muqdisho waxaana maanta looga dooday shirka arimaha amniga iyo sidii looga dhigi lahaa ciidan rasmi ah Maleeshiyaad beeleedka ku sugan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS ayaa shirka guddoominayay Shirka waxaana ay ergooyinka aad uga doodeen qaabkii maleeshiyaadka iyo kooxaha hubeysan looga dhigi lahaa ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Jubba

Shirka dib u heshiisiinta ayaa ka socday magaalada Muqdisho 3 maalmod waxaana la filayaa in la soo gabagabeeyo galinka dambe ee maanta  lagna soo saaro warmurtiyeed ay u dhenyihiin DFS iyo Maamulka KMG ee Jubba ee uu Madaxweynaha u yahay Ahmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe).

Shirka ayaa waxaa maanta ka soo qeyb galay wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya
Tedros Adhanom iyo wufuud ka kala socota Midowga Afrika ,IGAD waxaana ay haatan ku sugan yihiin Hotel Jazeera oo uu ka soco Shirka dib u heshiisiinta ee gobalada Jubooyinka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online