Shirkii dib u heshiisiinta gobalada Jubooyinka iyo Gedo oo ka socda Muqdisho

November 4, 2013 - Written by Editor

Hotel_JazeeraMuqdisho:-Shirkii dib u heshiisiinta gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho  iyadoo maanta la guda galayo loona faahfaahinayo Ergooyinka  heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray DFS iyo Maamulka KMG ee Jubba.

Shirka saaka ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbixin iyo khudbad ka jeedin doona Wasiiru dowladaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) iyaga oo sharxi doona qodobadii uu ka koobnaa Heshiiskii ay ku gaareen Addis Ababa bishii 8aad labada dhinac.

Shirka ayaa waxaaa Shir gudoominaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed isaga oo dooda u qeybin doona  xubnaha ergooyinka ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Shirka ayaa waxaa saaka ka dhexmuuqda dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana jooga shirka hogaamiyahaMaamulka  Jubba Axmed Madoobe, Iftin Baasto, Cabdi Baalley iyo xubno kale, waxaana shirka ka maqan Barre Hiiraale oo aan isaga wili iman shirka.

Maalinta berito ah ayaa laguwadaa in lasoo gaba-gabeeyay shirka dib u heshiisiinta gobalada Jubooyinka iyo Gedo waxaana soo baxaya cabashooyin kala duwan kuwaas oo ka imanaya qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed

Shirka dib u heshiisiinta gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa maanta lagu magacaabi doonaa 5gudi kuwaas oo ka doodi doona sida nabad waarta looga dhalin lahaa gobalada jubooyinka iyo sidii ciidan qaran looga dhigi lahaa ciidamada maleeshiyaadka ku sugan duleedka magaalada Kismaayo waxaana shirgudoomin doona 5 gudi wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online