Shirkii Jubbooyinka ee ka socday Muqdisho oo la soo xirey iyo qodobo lagu heshiiyey(Akhriso)
November 6, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa goor dhaweyd lagu soo xiray xarunta Habar Khadiijo ee xarunta Nabad sugida Soomaaliya shirkii dib u heshiisiinta gobollada Jubooyinka oo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba. Heshiiska ayaa waxaa saxiixay 12 ergo oo ka kala socday Dowladda Federaalka soomaaliya iyo maamulka Jubba waxaan korka ka ilaalinaya Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS C/kariim Guled iyo Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.
Wararka na soo gaaraya ayaa sheegay in la gaaray hishiis ka kooban dhowr qodob:-
1-In si buuxda loo joojiyo colaad lagana wada shaqeeyo isku soo dhowaanshaha iyo kalsooni abuurista bulshada, lagana fogaado dhamaan falalka colaada keeni kara.
2-In la soo dhoweeyo lana taageero maamulka KMG ee Jubba uu hogaaminayo Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) lagana wada shaqeeyo hirgelintiisa.
3-In Dowladda Federaalka Somalia oo kaashaneysa Maamulka KMG ee Jubba, AMISOM, IGAD iyo UN ay ka wada shaqeeyaan soo celinta ciidamada hubaysa ee ku sugan Duleedka Kismayo.
4-In khilaafka kasta loo maro xalintiisa wadahadal iyo is qancin.
5-In si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka hirgasha guud ahaan wadanka gaar ahaan Jubooyinka si wadajir ah loola dagaalamo Cadawga Al-shabaab lagana xoreeyo deegaanada weli gacantooda ku harsan.
6-In cid kasta oo ka hortimaada ama carqaladeysa Geedi socodka nabadaynta bulshada Jubooyinka si wadajir ah loogu aqoonsado danbiile qaran.
Hoos ka Akhriso Qodobada lagu heshiiyey
A/cawaale
Halgan.net