Sidee u dhacay Gurmadkii Culimadu ay ka wadeen Masjidka Al-rowda ee Boosaaso.[Dhagayso]

November 15, 2013 - Written by Editor

DSC00180Boosaaso:-Waxaa habeenkii xalay lagu soo afmeeray masjida weyn ee Al-rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari gurmada baaxad leh oo ay culimadu ay ka wadeen saddexdii habeen ee la soo dhaafay gurmad kaas oo shacabka reer Boosaaso qaybahiis kale duwan ay si weyn uga qayb qaateen.Habeenkii xalay ayaa waxaa la arkayey arday aad u da’yar , waalidiin ,haween ka qayb qaadanayey gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay dhibaatadii roobabka dabayluhu ay geysteen degaano ku yaal gobolka Nugaar , Karkaar , Bari ,Gardafuu iyo degaano kale.

Culimo’udiinka magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay u duceeyeen dhamaan dadkii ka qayb qaatay gurmadka ajiibayna codsiga ay direen iyagoo dadweynaha u sheegay in dadka gurmadka ka qayb qaadanayey ay qaarkood Masjidka Rowda ka soo wacayeen gobollada dalka Soomaaliya iyo dalka dibadiisa balse waxa ay xuseen in reer Boosaaso ay qayb libaax ka qaateen.

Gurmadka ayaa waxaa kale oo uu ka socdaa magaalooyinka Qardho, Garoowe , Gaalkacyo, Laascaanood iyo gobolo kale iyadoo culimada iyo waxgaradka kaleba ay weli wadaan dhaqaaalo aruurin iyo Agab ay doonayaan in ay si dhaqso ah u soo gaarsiiyaan dadka ku waxyeeloobay roobabka , sidoo kale waxaa maanta la filayo in gurmadkii ugu horeeyey ee ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uu soo gaaro magaalada Garoowe.

Dhinaca kale culimada iyo ducaad ku nool dalka Soomaliya dibadiisa ayaa waxaa ay wadaan  Xamalaad gurmad ah iyagoo culimada iyo ducaadu ay masaajidka kala hadlayaan  jaaliyaad ka dibada si ay walaalahood dhibaataysan ay gurmad ugu soo fidiyaan.

Culimo’udiinka ,ducaada iyo waxgaradka Jaaliyaadka dibada ayaa wada kulamo goono gooni oo ay ka arrinsanayaan  qaabka ugu sahlan oo ay walaalahood ku dhibaadoobay roobabka dabaylaha iyo duufaanah watay  ee ku dhuftay gobollada Waqooyi Bari Puntland ay u soo gaarsiin lahaayeen caawinaad waxaan ay xiriiro la sameeyeen Culimada soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya oo iyagu ku mashquulsan aruurinta gurmada lala gaarayo dadka dhibaataysan ama ku cayroobay roobabka.

Gurmadka ay samaynayaan culimada iyo ducaada ayaa ku soo beegmay xili maalin ka hor ay hay’adda culimada Soomaaliyeed ee uu gudoomiyah u yahay Sh Bashiir Axmed Salaad ay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed in ay isku gargaraan oo aysan cid kale wax ka sugin khilaafkooduna ay xaliyaan.

Culimo’udiinka masjidka Rowda ee Boosaaso ayaa waxaa ay si gaar ah ugu duceeyeen saxaafadda kale duwan oo iyagu si joogta ah u baahinayey dardaaranada culimada iyo waxgaradka kale , waxaa kale oo ay culimadu u duceeyeen dhalinyaradii sidda hagar la’aanta ah u waday aruurinta gurmadka kana dhex shaqaynayey gudaha iyo dibada Masjidka Rowda. Waxaa iyana sidoo kale u duceeyeen culimada odayashii dhisay Masjidka Rowda iyagoo ugu duceeyey in Alle ka badbaadiyo Naartiisa uuna geliyo Janadiisa

Hoos ka Dhagayso Sh Maxamed Macalin oo wada waano iyo gurmadka ay dadku bixinayaan

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/5knj624o3o/Tabaruc_1.mp3]ama Halkaan ka dhagayso

Hoos ka Dhagayso Sh Axmed Faarax Garaase oo wada waano iyo gurmadka ay dadku bixinayaan

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/wyrhe59p80/Tabaruc_2.mp3]
ama Halkaan ka dhagayso

Hoos ka Dhagayso Sh.Daahir Aw Cabdi iyo Sh Axmed Daahir oo jeediyey waano iyo wacdi guud

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/xe13e0w0f9/Tabaruc_3.mp3]
ama Halkaan ka dhagayso

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online